Booliska oo wado baaritaano ku saabsan dilka qareen caan ahaa oo ka dhacay Meru

Saraakiisha booliska ee ismaamulka Meru ayaa guda galay baaritaano ku aaddan sababta iyo cidda ka dambeysay dilka qareen caan ah oo dowlad deegaankaas ka howlgalyay.
Waxay baaritaanadan ku soo aadayaan iyadoo degmada Maua ay ka dhaceen dibadbaxyo lagu dalbanaya in la soo qabto cidii falkaas gaysatay.
Qareenka la dilay oo lagu magacaabi jiray Kirimi Mbogo ayaa inta badan maxkamadaha gayn jiray dacwado uu kaga soo horjeedo xadgudubyada ay gaystaan hay’adaha dowladda.
Waxaa uu u dhintay toogasho ay u gaysteen labo qof oo mooto saarnaa oo isla markiiba goobta ka baxsaday.
Bishii hore ayay ahayd markii maxkamad ku taalla Meru ay maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) ku amartay inuu qareenka siiyo lacag magdhow oo dhan 7.7 milyan kaddib markii Kirimi Mbogo uu ku guulaystay kiis ka dhan ahaa NTSA iyo booliska oo uu ku sheegay in si sharci darro ah lagu xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here