Booliska oo xaqiijiyay weerar saaka ka dhacay Korkora oo ka tirsan Garissa

Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Waqooyi Bari Rono Bunei ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in degmada Korkora ee ismaamulka Garissa uu weerar ka dhacay aroornimadii hore ee maanta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dableey aan weli heybteeda la garan ay bartilmaameedsatay kaddibna burburisay qalabka isgaariinta.
Shacabka halkaas ku nool ayaa sheegay in ilaa 20 qof oo hubeysan ay weerarka soo qaadeen balse ay iska caabin kala kulmeen saraakiisha ammaanka.
Mr. Rono Bunei ayaa xusay inay amniga aad u adkeeyeen in kastoo aan la soo tabin cid falkaas ay waxyeello ka soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here