Booliska oo xiray 2 ka mid ah 6 qof oo ka baxsaday xabsiga Kayole

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay labo ka mid ah 6 qof oo lagu hayay xabsiga xaafadda Kayole oo baxsaday.
Bayaan ay ciidamada booliska soo saareen ayaa shaaca looga qaaday in eedeysanayaasha mar kale gacanta lagu soo dhigay ay kala yihiin Dennis Ndung’u iyo John Irungu.
Waxaa lagu soo kala eedeyay faraxumeyn iyo dhac awood loo adeegsaday.
Ilaa iyo hadda ma cadda sida dadka xabsiga Kayole ku jiray ee labo ka mid ah la soo qabtay ay u carareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here