Booliska Soomaaliland oo Madaarka Hargaysa ku xiray nin ajanabi ah

Ciidamada Booliska ee maamulka Soomaaliland ayaa Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa waxaay ka xireen Nin Ajnabi ah oo watay Xayawaanka loo yaqaano Caasha Barida,kaas oo ay ku eedeeyeen inuu si sharci arro ah wadanka uu ugala baxayay.
Shir jaraa’id oo uu Maanta Magaalada Hargeysa ku qabtey Taliyaha Waaxda Dabi baarista Booliska Soomaaliland ahna Afhayeenka Ciidanka Booliska Feysal Xiis Cilmi ayuu ku sheegay in Ninkaasi uu si sharci darro ah u ugaarsadey Xayawaanka Caasha Barida,isla markaana lagu qabtey,isagoo watay 300 oo Xabo.
Ninkaas oo Booliska uusan shaacin dalka uu u dhashay ayaa waxaay sheegeen Boolisku inay baaritaan ku hayaan ,kadibna Maxkamad ay horgeyn doonaan.
Ma ahan markii ugu horeysay ee sidan oo kale loo soo qabto dad si sharci darro ah iskugu dayaya inay dalka ugala baxaan duurjoog gaar ahaan Xayawaanka Caasha barida,waxaana horaantii sanadkii lasoo dhaafay sidan oo kale loogu qabtey gudaha Somaliland rag sita 70 xabo oo Xayanaakaan Caasha barida ah kuwaasoo maxkamad ku xukuntay markii danbe sanad iyo dheeraad xarig ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here