Booliska Soomaaliya iyo rag hubaysan oo Muqdisho ku dagaalamay

Warka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasiamdda Soomaaliya ayaa sheegaya in Xalay halkaas ay is rasaasayn ku dhexmartay Ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo rag Hubaysnaa.
Dagaalkaan oo geystay sida la sheegay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya iyo Koox Burcad ah ku dhex-maray degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir.
Dagaalka oo ka dhacay Xaafadda Xoosh ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Booliska oo waday howlgallo ay la kulmeen Koox Burcad ah oo dhac u geysanayay dad saarnaa gaari nooca raaxadaha ah,waxaana halkaasi ku dhexmaray israsaaseyn geystay khasaare kala duwan sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya tabinayso.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen laba ruux mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaasoo isugu jira labada dhinac iyo dad Shacab ah.
Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho dadka ku nool ayaa dhowr jeer oo hore waxaay ka cawdeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanaya, waxaana Guddoomiyaha degmadaasi Guhaad Sheekh Xasan uu ka digay in dad aan ka tirsaneyn Ciidamada Amaanka ee halkaas ka howlgala ay hub ku dhex wataan Gudaha degmada dharkeenleey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here