Booliska Soomaaliya oo Gacanta ku dhigay nin Haweeneey midi Galiyay.

Ciidamada Booliska ee ku sugan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay Nin la sheegay inuu Tooreey ku dilay mid ka mid ah Haweenka Ganacsatada ah ee Magalada Baladweyne.
Dilka ayaa yimid, kadib markii Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Xaliimo Ilyaas sidoo kalena qaad ( Jaad) ku iibineysay Suuqa Beledweyne iyo Ninka dilka geystay ay wada murmeen taasoo keentay inuu tooreey ku dhufto,waxaana la sheegay inay Isbitaalka ku geeriyootay ayado halkaas xaaladeeda caafimaad lagu dabiibayo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ninka uu Haweeneyda doonayay inuu qaadka( Jaadka) si xoog ah uu uga qaato,hayeeshee ay diiday,waxaana uu isku dayay inuu baxsado kadib Markii uu Falkaas Gaystay Balse Ciidamada Booliska ah ee goobta ka agdhawaa ayay u suuro Gashay inay gacanta ku dhigeen.
Dhacdadaan oo ku cusub Magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa aad u hadal haya shacaka Magaaladaasi ayadoo ehelada Haweeneyda Tooreyda lagu dilay La sheegay inuu falkaasi Argagaax ku reebay.
Saraakiisha Ciidamada Booliska ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ninka dilka geystay cadaaladda la horgeyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here