Booliska Soomaaliya oo kormeeraya magaalooyinka loo asteeyay doorashooyinka soo aadan

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa lagu wadaa inay qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ka bilaabaan kormeer la xiriira dhanka Amniga.
Wafdigaan oo safarkooda ugu horeeya ku tagaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxaay kormeer ku tegi doonaan Xarumaha loogu talo galay inay ka dhacaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal, iyagoo qiimeyn ku sameyn doona sida loogu diyaar garoobay & howlaha Amniga ee ka socda Magaalooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan.
Wafdiga Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaay kulan la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug, iyagoo kala hadli doona sidii loo dardar gelin lahaa sugida Amniga inta ay socdaan howlaha doorashooyinka.
Sidoo kale wafdiga ayaa waxaay tegi doonaan degaano kale oo ka tirsan Maamul goboleedyada si ay qiimeyn ugu sameeyaan diyaar garoowga dhinaca Amniga ee doorashooyinka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here