Booliska Soomaaliya oo qabtay Kunteenar qabri laga soo buuxiyay.

Ciidamada Booliska ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa waxay Maanta Dekeda Magaalada Muqdisho ku qabteen Kunteenar qabri laga soo buuxiyay oo dalka Dibadiisa laga keenay.
Qamrigaan ayaa la sheegay inuu gaarayay wax ka badan 500 boqol oo Kartoon waxaana keenay Maalmo ka hor ayadoo lagu sheegay inay yihiin agabyada dhismooyinka.
Taliyaha ciidanka ilaalada Canshuuraha ee Booliska Soomaaliya C/laahi Xassan bariise ayaa sheegay inay Qamradaan gacanta ku dhigeen kadib markii ay boolisku baaritaan ku sameeyeen Kunteenarkaas.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Soomaaliya C/laahi Cali Qaloocow ayaa Sheegay in cidkasta oo Soomaaliya Qabri keenta gacan bir ah lagu qaban doono oo sharciga la horkeeni doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here