Booliska Soomaaliya oo sheegay inay qabteen shabkado AL-shabaab ah

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Adan Cali ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay Ciidamada aminga ka sameeyeen Magaalada Muqdisho,howlgalladaasoo uu sheegay in lagu burburiyay Shabakado ka tirsan Al-Shabaab oo falal amni darro Magaalada geysan jiray.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa xusay in Ciidamada Amnigu ay burburiyeen Shabakado ama rag is aruursaday oo ka tirsanaa Al-Shabaab,islamarkaana agagaarka Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ka sameysteen goob dadka looga kireeyo cajaladaha Filimaanta iyo waxyaabo.
Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka hadlay dilkii 16-kii Bishaan agagaarka Isgoyska Ceelgaabta loogu geystay Aabe Soomaaliyeed oo miis yar oo uu ku ganacsanayay si xaq daro ah loogu gaystay,waxaana uu sheegay in ninka dilka geystay uu ahaa askari ka tirsan Ciidamada Booliska,oo horay u geystay fal dambiyeedyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here