Booliska Uasin Gishu oo baaraya nin lagu helay lacag faalis ah

Ciidamada booliska ee magaalada Eldoret , ismaamulka Uasin Gishu ayaa baaritaano ku haya eedeysane ay soo qabteen isagoo sita lacag qiimaheedu lagu sheegay 45.8 milyan oo faalis ah.
Saraakiisha ammaanka ayaa xusay in hadda su’aallo la weydiinayo Allan Kipruto oo 34 sano jir ah.
Tallaabada ay boolisku qaadeen ayaa timid kaddib markii ay xog ka haleen dadweynaha.
Shacabka ayaa ciidamada u sheegay inay ka shakiyeen ganacsi uu Allan ku howlanaa duleedka magaalada Eldoret .
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Uasin Gishu, Johnson Ipara ayaa warbaahinta u sheegay in Mr .Kipruto laga soo qabtay wadada weyn ee isku xirta Eldoret iyo Nakuru .
Eedeysanaha ayaa markii la qabtay kaddib booliska geeyay guri ku yaalla dhinaca dambe ee kaalinta shidaal ee Simba halkaas oo laga soo helay lacago isugu jira doolar , shilinka dalka, Pound iyo qalab lagu farsameeynayay.
Mr .Ipara ayaa dhanka kale ganacsatada iyo beeralayda Eldoret uga digay inay fiiro gaar ah u lahaadaan dadka shacabka ku khiyaanaya lacagta been abuurka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here