Boqolaal ka mid ah saraakiisha dowladda Sacuudi Carabiya oo la xiray

Wararka naga soo gaaraya Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay boqolaal ka mid ah shaqaalaha dowladda.
Dadkan waxaa ka mid ah milatariga iyo saraakiisha ammaanka.
Eedeysanayaasha xabsiyada loo taxaabay ayaa loo haystaa inay awoodooda ku takriifaleen sido kalena lacago laaluush ah ay qaateen.
Guddiga qaran ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee Sacuudiga (Nazaha) ayaa sheegay in baaritaano kaddib cidii dambi lagu helo maxkamadda la soo taagaya.
Sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii saraakiisha ammaanka ay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo isugu jiro dhaxal sugayaal iyo xubnaha qoyska boqortooyada, siyaasiyiin iyo ganacsato lala xiriiriyay lunsashada kheyraadka dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here