Boqolaal ku biiray dibadbaxyada Thailand

In ka badan 1000 qof ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka magaala madaxda Thailand ee Bangkok waxayna dhigeen dibadbax ka dhan ah dowladda.
Dadkan ayaa dalbanaya in maamulka wadankaas ka taliyo uu is casilo , in isbeddel lagu sameeyo dastuurka sido kalena la joojiyo dhibaateynta xubnaha mucaaradka.
Dibadbaxayaasha oo ay arday ka mid yihiin ayaa ra’iisul wasaare Prayuth Chan-ocha ka dalbaday inuu xafiiska baneeyo.
Ciidamada booliska ayaa sheegay in 600 oo sarkaal la howlgeliyay si ay ammaanka u sugaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here