Boqolaal qof oo soogalooti ah oo lagu xiray Maraykanka

Mandatory Credit: Photo by Evan Vucci/AP/REX/Shutterstock (10155748e) President Donald Trump listens to a question during a meeting with Irish Prime Minister Leo Varadkar in the Oval Office of the White House, in Washington Trump, Washington, USA - 14 Mar 2019

Saraakiisha waaxda socdaalka ee Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen 680 qof kaddib howlgalo ka dhan ah soogalootiga oo ay sameyeen.
Waxay howlgalada ka fuliyeen 7 warshadood oo hilibka soo saara oo ku yaalla koonfurta gobolka Mississippi.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay howlgalkii ugu weynaa ee laga sameeyo goob shaqo muddo ah ugu yaraan 10 sano.
Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay waxaa uu soo saarayay go’aamo adag oo lagula tacaalayo socdaalka sharci darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here