Boqolkiba 40 ee Kenyaanka qabo cudurka sokorowga oo aan xaaladooda ka warqabin

Iyadoo shalay guud ahaan caalamka laga xusay maalinka cudurka kaadi macaanka ama sokorowga adduunka ayaa waxaa soo baxaya in qiyaastii boqolkiiba 40 ee Kenyaanka uu xanuunkan saameeyay aynan si dhow ula socon xaaladdooda caafimaad.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka, hay’adda cilmi baarista ku sameysa cudurkan iyo midda caalamiga ee la tacaasha ee (IDF) ayaa dhammaan ku baaqay in la xoojiyo dadaalada looga hor tagayo oo aan diiradda la saarin oo keliya daaweyntiisa.
Agaasimaha dhanka maamulka ee wasaaradda caafimaadka ,Ben Mugambi ayaa sheegay in gudaha wadanka uu cudurka weli aad ugu badan yahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo ku aaddan wacyigelinta xanuunkan ka dhan ah si qof kasta uu isaga saaro mas’uuliyad shakhsiyeed.
Cudurka macaanka ayaa ah caqabad caalami ah wuxuuna saameeyay in ka badan 425 milyan guud ahaan dunida.
Dadka xanuunkan qabo ee ku nool gudaha dalka ayaa tiradoodu lagu sheegay 460,000 waxaana laga cabsi qabaa in tiradan ay sii kororto oo ay gaarto 1.3 milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here