Boqolkiiba 47 ee Kenyaanka oo shaqooyin ku waayay cudurka COVID19

Shirkadda cilmi baarista sameysa ee TIFA ayaa warbixin ay soo saartay shaaca kaga qaadday in boqolkiiba 47 ee shacabka ay sheegeen in cudurka COVID19 awgii ay shaqo la’aan noqdeen.
Cudurka ayaa markii ugu horreysay gudaha wadanka laga xaqiijiyay bishii saddexaad ee sannadkan.
Shirkadda ayaa warbixinteeda ku xustay in tallaabooyinka ay dowladdu ku xakameynayso faafidda cudurka ay ka dhasheen dhibaatooyin ay ka mid yihiin shaqo la’aan,sare u kaca qiimaha cuntooyinka,falalka amni darro oo kordhay iyo carqaladeynta adeegyada caafimaad iyo waxbarashada.
Warbixinta waxaa qayb ka ah in xayiraaddii dhanka isku socodka ismaamullada , bandowga habeenkii iyo isku imaatinka dadweynaha ee la xaddiday ay horseedeen in nolosha ay ku sii adkaato dad badan oo uu dhaqaalahoodu hooseeyo .
Boqolkiiba 42 ee dadka darasaadkan lagu wareystay ayaa shirkadda u sheegay inuu aad u yaraaday dakhli ka soo geli jiray shaqooyin iyaga u gaar ah halka boqolkiiba 23 laga dhimay musharaadka.
Sidoo kale boqolkiiba 5 ee dadka la wareystay ayaa xusay in cudurka COVID19 uu wax u dhimay waxbarashada carruurtooda.
In ka badan boqolkiiba 94 ee dadkan waxay carrabka ku dhufteen in hadda uusan wax dhaqaale ah soo gelin ama lacagta ay helaan ay aad uga yartahay midii ay heli jireen ka hor fayraska corona.
Cilmi baarista ay shirkadda TIFA sameysay waxaa su’aalo lagu weydiiyay 555 qof oo afar meelood saddex meel ay sheegeen inay ka war qabaan qof ama xubin qoyskooda ka mid ah oo laga saaray gurigii uu degganaa maadaama uusan kirada bixin.
Darasaadkan ayaa la sameeyay 24-kii bishii sagalaad ee sannadkan ilaa 2-dii bishan.
Cilmi baaris hore ayaa bishii Afaraad ee sannadkan lagu ogaaday in keliya boqolkiiba 33 ee Kenyaanka ay xilligaas shaqeynayeen.
Sidoo kale boqolkiiba 73 ee dadka su’aalaha ka jawaabay ayaa sheegay inay ka war qabaan barnaamijyo lagu taageeraya danyarta halka 60 boqolkiiba ay xuseen in loo gargaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here