Boqolkiiba 60 ee Kenyaanka oo doonaya in meesha laga saaro 1000-ka shilin ee hadda la isticmaalo

Cilmi baaris ay dhawaan sameysay shirkadda Infotrak ayaa warbixin laga soo saaray waxaa lagu sheegay in ugu yaraan boqolkiiba 60 ee dadka la wareystay ay teegarayaan qorshaha dowladda ee ah in dhammaadka bisha tobnaad ee sannadkan meesha laga saaro isticmaalka 1000-ka shilin ee dalka.
Boqolkiba 63 ee dadka su’aashan la weydiiyay ayaa sheegay inay maamulka talada haya ee Jubilee ku raacsanyihiin in wixii xilligaasi ka dambeeya aan la sii adeegsan lacagtii horay loo adeegsanayay balse si buuxda loo qaato midda cusub ee la soo bandhigay koowdii bishii lixaad ee sannadkan.
Dadka qorshahan ka soo horjeeda ayaa aragtidooda u aaneeyay walaac ay ka qabaan inuu gaabad imaan karo.
Waxay sheegeen in bangiga dhexe ee dalka ee CBK laga doonayo inuu Kenyaanka u xaqiijiyo in qeybaha kala duwan ee lacagta cusub la gaarsiin karo dhammaan deegaanada dalka.
Sido kale waxaa jiro qaar ka mid ah shacabka oo dowladda ku dhaliilaya inaan si soo jiidasho leh loo naqshadeynin lacagta cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here