Boqolkiiba 68 ee Kenyaanka oo doonaya xayiraad buuxda oo dhanka isku socodka ah

Daraasaad ay sameysay shirkadda Infotrak ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 68 ee Kenyaanka la wareystay ay door bidayaan in dowladda ay ku dhawaaqdo xayiraad dhameystiran oo dhanka dhaqdhaqaaqa dadweynaha.
Waxay doonayaan in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu shaaciyo amar gebi ahaanba lagu mamnuucaya in laga soo baxo guriyaha.
Kenyaanka ayaa soo jeedinaya in amarkan uu shaqeeyo ugu yaraan laba toddobaad si loo xakameeyo faafitaanka fayraska Coronavirus.
Cilmi baaristan ayaa la sameeyay intii u dhaxaysay 30-kii bishii saddexaad iyo 2-dii bishan.
Waxaa su’aalo la weydiiyay 831 qof oo ku sugan 24 ka mid ah 47-da ismaamul ee dalka.
Sido kale warbixinta waxaa lagu sheegay in boqolkiiba 35 ee shacabka aynan diyaar u ahayn sido kalena xamili Karin xayiraad dhanka isku socodka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here