Boqolkiiba 70 dadka qaata deymaha taleefoonada gacanta oo aan bixin

Cilmi baaris cusub oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in dadka Kenyaanka ah ee qaata deymaha ay bixiyaan shirkadaha kala duwan kuwaasoo loo adeegsado taleefoonada gacanta ay rag u badan yihiin.
Waxaa daraasaadka lagu sheegay in boqolkiiba 70 ee dadkan ay ku adkaato inay dib u bixiyaan amaahdii la siiyay.
Macluumaad ay soo saartay waaxda dabagalka ku sameysa bixinta deymaha ee (CRB) ayaa muujinaya in shakhsiyaadka badankoodu inaynan gudin lacagaha ay ku qaataan taleefoonadooda marka loo barbardhigo noocyada kale ee amaahda.
Intii u dhexeysay bishii 11-aad ee sannadkii hore ilaa bishii afaraad ee sannadkan waxaa la diiwaangeliyay 398,160 qof oo aan gudin deymo ay qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here