Boqolkiiba 70 ee qoyaska Kenyaanka oo ay ku adkaatay bixinta kirada guriyaha

Darasaad ay dowladda sameysay ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad boqolkiiba 70 ee qoysaska ku nool gudaha wadanka ay ku adkaatay inay bishii shanaad ee sannadkan bixiyaan kirada guriyaha ay deggan yihiin.
Waxay tani muujisay saameynta cudurka COVID19 uu ku yeeshay shacabka iyo mulkiilayaasha guriyaha.
Cilmi baaristan waxaa sameysay waaxda qaran ee qaabilsan uruurinta iyo keydinta macluumaadka ee (KNBS).
Boqolkiiba 31.6 ee dadka la wareystay ayaa sheegay inay bishii shanaad ee May xilligii laga doonayay bixiyeen kirada guriga marka la barbardhigo bishii Afaraad oo tiradan ay ahayd boqolkiiba 41.7 .
Boqolkiiba 61 ee dadkan aan kirada iska bixin waxay u aaneeyeen dhakhligii soo geli jiray oo hoos u dhacay halka boqolkiiba 25.7 ay u sababeyeen caqabado soo foodsaaray sida ganacsiyadoodii oo xirmay iyo shaqada oo laga eryay.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa sheegay inay iska caddahay culeyska cudurka uu ku keenay dadweynaha.
Bishii Afaraad ee sannadkan ayuu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta mulkiilayaasha guriyaha la deggan yahay ka codsaday inay hoos u dhigaan qiimaha kirada maadaama uu culeys guud jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here