Boqolkiiba 75 ee ganacsiyada yaryar oo burbur qarka u saaran

Madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK Dr. Patrick Njoroge

Madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK Dr. Patrick Njoroge ayaa sheegay in boqolkiiba 75 ee ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhedhexaadka ah ee wadanka ay qarka u saaran yihiin inay burburaan.
Tani ayaa ku dhiganta afar meelood saddex meel ganacsiyada yaryar ee dadka ku howlan ay ku tiirsan yihiin helidda qutul maalmeedka qoysaskooda.
Waxaa uu xusay in culeyska dhaqaale ee wadanka ka jiro ee uu sababay cudurka covid-19 si weyn loo dareemi doono dhammaadka bisha lixaad.
Arrinkan ayuu ka hadlay xilli uu faahfaahin ka bixinayay saameynta fayraska corona uu ku yeeshay dalka.
Darasaadka ku saabsan dhaqaalaha ee la sameeyay ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 52 ee dadka la wareystay aynan hubin inuu dhaqaalaha dib u soo kaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here