Boqolkiiba 76 ee Kenyaanka oo daraasaad lagu ogaaday inay gacmaha dhaqanayaan

Shacabka dalka ayaa waxay intooda badan u hoggaansamayaan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee ka soo baxay Dowladda si looga hor tago faafitaanka Cudurka Covid-19.
Waxyaabaha ay dadka si gaar ah u tixgelinayaan waxaa ka mid ah dhaqashada gacmaha oo sida lagu sheegay darasaad ay sameeysay shirkadda TIFA ay boqolkiiba 76 ku howlan yihiin.
Su’aallo la weydiiyay 1,000 qof kaddib waxaa soo baxday in dadka badankoodu ay si joogto ah gacmaha ugu meyrtaan biyo iyo saabuun si ay cudurka uga badbaadaan.
Si kastaba ha noqote cilmi baaristan la soo daabacay maanta oo Arbaco ah ayaa dhanka kale lagu sheegay in boqolkiiba 18 aysan weli qaadin tallaabooyinki ku haboonaa ka hor tagga cudurka ee ay dhawaan dowladda soo saartay.
Marka gacmo dhaqashada laga reebo, wasaaradda caafimaadka ayaa sido kale ku Talisay inaan gacanta la isku salaamin, xabadka la is gelin sido kalena aan la is dhunkan.
Qofka marka uu qufacaya ama hindisoonaya ayaa laga doonaya inuu adeegsado warqadda tiishka ee haboon ama uu suxulka laabto.
Dadweynaha ayaa looga digay inay u safraan waddamada uu Coronavirus saameeyay ama inay la macaamilaan qof uu cudurka soo ritay.
Shacabka ayaa lagula taliyay inaynan aad isugu dhawaan oo qofba qofka kale u jiro cabbir dhan ilaa laba miitar in kastoo daraasaadka uu tilmaamaya in tani aan weli si buuxda loo dhaqangelin.
Dadweynaha ku nool ismaamulka Nairobi ayay shirkadda darasaadka ee TIFA sheegtay inay yihiin kuwa aad u yaqaana asatamaha caabuqan Coronavirus.
Boqolkiiba 77 ee Kenyaanka la wareystay waxay astaanta Coronavirus ku sheegeen qufaca halka boqolkiiba 70 ay qandhada la xiriirinayaan cudurka.
Sidokale cilmi barista ayaa sheegeysaa ineey jiraan astaamooyin aynan ka war qabin dadka la wareystay badankooda waxaana ka mid ah madax xanuun iyo neefta oo qofka dhibta.
Sido kale waxaa la ogaaday in boqolkiiba 2 ay iska dhaadhiciyeen in qofka oo ay dhuunta xanuunto ay astaan u tahay Covid-19.
TIFA ayaa daraasaadkan sameysay inta u dhaxeysay 15 ila 21-kii bishan saddexaad.
Shalay ayay ahayd markii Dowladda ay sheegtay in tirada kiisaska la xaqiijiyay ee Coronavirus ay gaartay 25.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka weli looga baahan yahay inay ka soo baxaan kaalinta kaga aaddan xakameynta cudurka.
Wuxuu intaas ku daray inaan weli la dhameystirin baaritaano lagu sameeyay 647 qof oo dheeraad ah kuwaasoo xariir la yeeshay bukaannada cudurka laga helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here