Boqolkiiba 80 ee ardayda oo aan waxbarashada qaab online ah ku helin

Darasaad cusub oo ay sameysay hay’adda USAWA oo diiradda saartay sinnaanta dhanka tacliinta ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad boqolkiiba 80 ee ardayda dalka aynan ka faaiidaysan Karin barnaamijka dowladda ee casharada lagu bixinaya qaab online ah.
Cilmi baarista waxaa ay qeexeysaa in boqolkiiba 22 oo keliya oo ah arday lagu wareystay 42 ka mid ah ismaamullada dalka ay casharrada qaadanayaan.
Kaddib markii caabuqa corona lagu arkay gudaha wadanka ayay dowladda dalka qaadday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xakameynayo faafitaanka fayraska.
Waxaa ka mid ahayd in dugsiyada la xiray hasa ahaatee wasaaradda tacliinta ay guda gashay in ardayda guriyaha ku sugan ay qaabab kale ku helaan casharrada.
Darasaadkan ayaa la sameeyay bishii afaraad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here