Boqor salmaan oo isbitaal la dhigay si baaritaan loogu sameeyo

Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ee SPA ayaa ku warramaysa in boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdul caziiz isbitaal la dhigay kaddib markii uu dareemay xanuunka dhanka kaadi hayska ah.
Waxaa uu hadda ku jiraa xarun caafimaad oo ku taallo magaalada Riyaadh si baaritaan loogu sameeyo.
Boqorka Sacuudiga oo talada dalkaas la wareegay sannadkii 2015-kii ayaa hadda 84 sano jir ah.
Waxaa uu in ka badan 50 sano ahaa baraasabka gobolka Riyadh ka hor inta uusan noqon wasiirka gaashaandhigga sannadkii 2011-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here