Boqortooyada Sacuudiga oo fududaysay tallaabooyinka la xiriira Coronavirus

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta oo Axad ah sheegtay inay fududaysay qaar ka mid ah tallaabooyinkii lagu dhawaaqay ee lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19.
Hasa ahaate waxaa uu Bandow 24 saacadood ah ka jirayaa magaalada Makkah iyo deegaannada u dhow.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA.
Hasa ahaate marka laga soo tago meelaha qaar oo ay Makkah ka mid tahay waxaa la qafiifinaya bandowga shaqeeya inta u dhaxaysa 9-ka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.
Isbeddelkan oo dhaqan galaya maanta ayaa jiro doono ilaa 13-ka bisha shanaad ee May.
Sido kale qaar ka mid ah howlaha ganacsiga ayaa dib loo fasaxay waxaana ka mid ah dukaammada lagu iibiyo badeecooyinka jumlada iyo tafaariiqda , sido kale dukaamada waaweyn ee moolasha waxayna dib u furmayaan Arbacada.
Waxaa sido kale xirnaan doono meel kasta oo ay suurtagal tahay in dadka ku sugan ay aad isugu dhawaadaan sida goobaha dumarka lagu qurxiyo iyo meelaha shaneemooyinka.
Sido kale lama ogolo inay hal meel isugu tagaan dad ka badan 5 qof.
Sacuudi Carabiya ayaa diiwaangelisay 16,299 oo ah kiisaska Coronavirus halka dhimashadu ay tahay 136.
Waa tirada ugu badan ee laga diiwaangeliyay dal xubin ka ah golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC), oo guud ahaan laga xaqiijiyay kiisas dhan 43,000 iyo 250 oo dhimasho ah.
Dhanka kale tirada dadka ee ilaa iyo hadda wadamada kala duwan ee caalamka ugu dhimatay cudurka Covid-19 ee uu sababo caabuqa coronavirus ayaa kor u dhaaftay 200,000 oo qof sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University.
Guud ahaan caalamka kiisaska Coronavirus ee la xaqiijiyay ayaa kor u dhaafay 2.88 milyan halka dadka covid-19 ka bogsaday ay yihiin 813,000 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here