Boris Johnson oo karantiil galay

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa si iskii ah isu karantiilay ka dib markii uu la macaamilay qof laga helay cudurka Covid-19.
Afhayeenkiisa ayaa xusay in Mr. Johnson uu hadda lahayn calaamadaha xanuunka oo uu ka shaqeyn doono xarunta Downing Street.
54 milyan oo ah kiisaska Covid-19 ayaa laga diiwaan geliyay guud ahaan caalamka iyada oo ay u geeriyoodeen 1.3 milyan oo bukaan ah.
Cabsida sii kordheysa ee laga qaba xanuunkan ayaa waxaa ay sababtay in dawladaha ay soo saaraan amarro adag oo lagu xakameenayo faafidda caabuqa kaas oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalal badan.
Qaaradda Yurub ayaa waxaa ay wajahaysaa mowjadii labaad ee Covid-19 waxaana ka dashay saameyn aad u badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here