Brazil oo laga xaqiijiyay in ka badan 14 kun oo ah kiisaska coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Brazil ayaa shaacisay inay diiwaangelisay xaalado hor leh oo la xiriira caabuqa coronavirus kuwaasoo gaaraya 14,919.
Sido kale 24-kii saac ee ugu dambeysay waxaa gudaha wadankaas laga soo tabiyay dhimasho cusub oo ah 816.
Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee dalka Brazil ayaa hadda ah
233,142 halka dhimashada ay gaartay 15,633.
Xaaladaha Brazil ayaa ka sare maray kuwa laga soo tabiyay Spain tani oo ka dhigaysa wadanka afaraad ee caalamka ee laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee fayraska corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here