Brimin Kipkorir oo mar kale ku guulaystay orotanka Standard Chartered

Guulaystihii orotanka Standard Chartered Marathon ee sannadkii 2017-kii ,Brimin Kipkorir ayaa mar kale maanta ku soo baxay tartan ka dhacay magaaladatani Nairobi.
Waxaa uu mar kale difaacday guushii laba sano ka hor ee orotanka masaafada 42 kiilomitir ee qeybta ragga.
Bangiga Standard Chartered oo tartankan maalgelinaya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka ku sheegay in Mr. Kipkorir la guddoonsiinayo abaalmarin lacageed oo ah 2 milyan oo shilin.
Qeybta gabdhaha waxaa kaalinta koobaad gashay Purity Changwany Jebich oo iyadana halaysa 2 milyan oo shilinka dalka.
Waxaa nambarka labaad ee orotanka ragga soo galay Victor Serem oo isna helaya abaalmarin ah 500 oo kun oo shilin.
Wasiiradda wasaaradda cayaaraha , hidaha iyo dhaqanka ee dalka Mrs. Amina Maxamad ayaa sheegtay in tartanka maanta dhacay sanado badanna soo jiray ay tahay madal fursad siinayso orodyahaanada Kenyaanka.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay barnaamijkan uga faaiidaysanayaan inay ku dhiirigeliyaan orodyahaanada.
Tartankan maanta ka qabsoomay gudaha caasimadda dalka ee Nairobi ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyadoo waddooyin dhowr ah la xiray.
Waddooyinkan waxaa ka mid ah dhinaca Museum Hill, Uhuru Highway, qeyb ka mid ah Langata Road, Kenyatta Avenue, University Way, Haile Selassie, Mombasa Road , Forest Road iyo Harambee Avenue, Inta u dhexeysa bartamaha magaalada ilaa Westlands, Kileleshwa, Muthaiga, Kiambu Road, Thika Road, , Karen gaar ahaan dhanka Langa’ta Road
Agaasimaha howlaha bangiga Standard Chartered Peter Gitau, ayaa tirada ka qeyb galayaasha ku sheegay in ka badan 25,000 qof wuxuuna qorshuhu yahay in la aruuriyo ilaa 60 milyan oo shilin.
Dhaqaalaha barnaamijkan ka soo baxo ayaa lagu maalgelinaya mashruuc lagu taageerayo dhalinyarada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here