Bulshooyinka uu saameynta ku yeeshay Ayaxa oo caawimaad la gaarsiinaya

Barnaamij ay si wadajir ah u fulinayaan dowladda ismaamulka Turkana iyo hay’adda cunadda iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa waxaa ka faa’iidaysan doono in ka badan 9000 oo ah qoysaska ay saameynta gaarka ah ka soo gaartay Ayaxii ku degay qaybo ka mid ah wadanka.
Waxaa barnaamijkan looga gol leeyahay in dib loo soo noleeyo dhaqaalaha dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay cayayaanka.
FAO ayaa sheegtay inay bartilmaameedsanayso ilaa 9,650 oo qoys.
Sido kale in ka badan 1,800 oo beeralay ah ayaa la siinaya abuur ay beeran karaan.
Madaxa hay’adda FAO xafiiskeeda magaalada Lodwar Dan Irura ayaa sheegay inay sido kale beeralayda u qaybin doonaan daawooyinka cayayaanka lagula dagaalamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here