Burundi oo xaqiijisay kiisaskii ugu horreeyay ee Coronavirus

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Burundi ,Thadée Ndikumana ayaa xalay sheegay in wadankaas laga xaqiijiyay laba kiis oo ah kuwii ugu horreeyay ee caabuqa Coronavirus.
Waxaa uu intaa raaciyay in labada qof ay yihiin muwaadiniinta Burundi da’doodana ay kala tahay 56 iyo 42 sano.
Waxay ka soo laabteen safari ay ku tageen dalka Rwanda and iyo magaalada Dubai ee dalka isutagga imaaraadka carabta.
Bukaannada ayaa hadda lagu daaweynayaa isbitaalka Bumerec ee ku yaalla magaalada Bujumbura,
Hasa ahaate wasiirka ayaan faahfaahin xilliga ay dalkaas dib ugu soo laabteen taasoo uu u sababeeyay inay carqaladeyn karto dabagalka lagu haya dadka la macaamilay.
Dowladda Burundi ayaa hakisay duulimaadyadii ka soo degi jiray ama ka duuli miray gagida caalamiga ee diyaaradaha ee Melchior Ndadaye .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here