Caalamka oo ka falceliyay qorshaha bariga dhexe ee Maraykanka

WASHINGTON, DC - OCTOBER 27: President Donald Trump attends Game Five of the 2019 World Series between the Houston Astros and the Washington Nationals at Nationals Park on October 27, 2019 in Washington, DC. (Photo by Will Newton/Getty Images) ORG XMIT: 775425085 ORIG FILE ID: 1183854868

Wadamada caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qorshaha nabadaynta bariga dhexe ee uu soo bandhigay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Qorshahan oo ah mid muddo dheer la wada sugayay ayaa dhigaya in magaalada Quddus ay noqoto caasimadda ama magaala madaxda Israa’iil ee aan qaybsamin.
Trump wuxuu soo jeediyay in shacabka Falastiin ay yeeshaan dowlad madax bannaan.
Wuxuu sido kale ku talinayaa in in daanta Galbeed goobo ka mid ah oo lagu dagaalamayay loo aqoonsado in ay yihiin qaybo ka mid ah dhulka Israa’iil.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa arrimahan kaga hadlay aqalka cad ee xukuumadda Washington.
Waxaa halkaas ku wehelinayay xilligii uu qorshahan soo bandhigayay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo uu ku qaabilay.
Trump ayaa xusay in qorshihiisu noqon karo fursaddii ugu dambaysay ee dadweynaha Falastiin helaan.
Madaxweynaha dowladda Falastiin Maxmuud Cabbaas, ayaa dhankiisa qorshaha Maraykanka ee bariga dhexe ka soo horjeestay wuxuuna ku tilmaanay sida uu hadalka u dhigay shirqool ay kaga jawaabayaan kumannaan ‘maya’ ah.
Maxamuud Cabbaas ayaa yiri Trump iyo Netanyahu waxaan u sheegayaa in magaalada Quddus ama Jerusalem aanay iib ahayn.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay lagama maarmaan tahay xal u dhaxeeya laba qaran.
Waxay intaas ku dartay inay soo dhaweybayso dadaalada Trump balse ay si fiirsasho leh u daraaseyn doonto qorshaha uu soo saaray.
Qatar ayaa soo dhaweysay dadaalka Trump in kastoo ay xustay inaan lagu guulaysan karin haddii aan wada tashi lala sameyn Falastiiniyiinta.
Safiirka dowladda isku tagga imaaraadka carabta u qaabilsan Maraykanka Yousef al-Otaiba ayaa xusay in qorshaha uu wada xaajood waddada u xaaraya.
Iiraan ayaa dhankeeda gaashaanka u daruurtay nabadeynta bariga dhexe ee Trump waxayna ku sheegtay xayiraad.
Jordan waxay ka digtay in lala wareego ama la goosto dhulka Falastiin.
Masar waxaa ay Israa’iil iyo Falastiin labaduba ugu baaqday inay si taxaddar leh u eegaan qorshaha Maraykanka.

Ku xigeenka guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Turkiga ,Numan Kurtulmus ayaa Trump maya ugu jawaabay.
Wuxuu intaas ku daray in magaalada Quddus ay tahay caasimadda dalka Falastiin iyo qalbiga dunida islaamka.
Kooxda Xizbullah waxay soo jeedinta Trump ku sheegtay mid ceeb oo aad halis u ah cawaaqib xumana ay ka dhalan karto.
Madaxa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen,Maxamad Cali al-Houthi ayaa qorshaha Maraykanka ku sheegay gardarro iska cad oo lagu hayo shacabka iyo qaranka Falastiin.
Afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha ingiriiskaBoris Johnson ayaa isna qorshaha ku sheegay inuu noqon karo tallaabo wanaagsan oo la qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here