Caalamka oo laga xusaya maalinka saxaafadda

Waxaa maanta caalamka laga xusayaa maalinka saxaafadda adduunka.
Dabaal deggan ayaa sannad kasta la qabtaa 3-da bisha May oo maanta ku beegan.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. António Guterres ayaa sheegay in tan iyo markii uu dillaacay cudurka COVID-19 ay korortay faafitaanka wararka been abuurka ah.
Waxaa uu xusay in warbaahinta ay mas’uuliyad ka saaran tahay una taagan tahay xaqiijinta wararka la faafiya.
Hal ku dhigga xuska maalinka saxaafadda adduunka ee sannadkan ayaa ah war tabin aan cabsi iyo cid u eexasho midna lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here