Caasimadda Japan oo laga xaqiijiyay in ka badan 100 kiis oo cusub oo coronavirus ah

Waxaa labadii bilood ee ugu dambeeyay magaala madaxda dalka Japan ee Tokyo oo ay ku nool yihiin 14 milyan oo qof laga diiwaangelinayay kiisas badan oo la xiriira fayraska corona.
Maanta oo Khamiis ah waxaa halkaas laga xaqiijiyay xaalado dheeraad oo dhan 107.
Ra’iisul wasaaraha dalkaas Shinzo Abe ayaa sheegaya inaynan hadda jirin sabab dib loogu soo celin karo xaaladii degdegga ahayd.
Duqa magaalada Tokyo Yuriko Koike ayaa xusay in boqolkiiba 70% ee kiisaska maanta la xaqiijiyay laga helay dad ay da’doodu u dhaxaysa 20 ilaa 30 sano.
Guud ahaan Japan waxaa laga diiwaangeliyay 19,000 oo ah xaaladaha cudurka COVID19 iyo dhimasho dhan 976.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here