Dhageeyso:Cabasho ka taagnayd suuqa cusub ee ariga ee Guriceel oo la xalliyay

29-kii bishaan waxaa degmada guriceel ka dhacay banaanbax rabshado ay ka dhasheen oo ka kacay dad ari ku kala iibsanayey sayladdii hore ee ariga.
Maamulka ayaa si hoose ula fariistay dadka diidanaa in ay sayladda cusub u guuraan waxaana la isla soo dhaweeyey xalkii, si wadajir ahna hadda loogu ganacsanayo suuqa cusub.
Cadar Warsame oo ka mid ahayd dadkii banaanbaxa iyo diidmada kala hor yimid amarkii maamulka ee ahaa in loo guuro suuqa cusub ayaa noo sheegtay in la dhameeyey cabashadii ay ka qabeen sayladda cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here