Cabasho ku aaddan lacagta cusub ee dalka oo ka soo yeeraysa Dadaab

Iyadoo dowladda dhexe ay sheegtay in isticmaalka lacagta 1000-ka shilin ee dalka ay ku egtahay dhammaadka bishan sagalaad ayaa waxaa soo baxaysay cabasho arrinkaas ku aaddan oo ka imaanaysa dhanka xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo deegaanada ku xeeran.
Cabashadan ayaa timid kaddib markii ganacsatada halkaas ku nool ay diideen qaadashada lacagta kunka ah taas oo saameyn weyn ku yeelatay howlaha guud ee ganacsiga isla markaana caqabad ku noqotay nolasha dadka deegaanka waxayna tani noqotay hadal haynta ugu badan ee maalmahan ka jirta xeryaha qaxootiga.
Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah dadka deegaanka faafi iyo kuwa xerada xagardheer oo arrinkaasi ka hadlay

Dhanka kale Guddoomiyaha xarumaha lacagaha laga dirsado ama lagala baxo ee Mpesa ee xerada Xagardher Cabdiqaadir Jeele Gabane ayaan ka wareeysanay sababta ay ku diidan yihiin lacagta kunka ah waxaa uuna sharaxayaa sababaha iyo walaaca ay qabaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here