Cabasho la xiriirta xayiraadda dowladda oo ka soo yeeraysa xeebta

Guddoomiyaha ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta, Salim Mvurya ayaa hay’adaha deeq bixiyaasha ah ka codasaday inay taageero u fidiyaan shacabka dowlad deegaankaas oo uu sheegay in badan oo ka mid ah inay sabool yihiin.
Waxaa uu walaac ka muujiyay amarkii isniintii ka soo baxay dowladda dhexe ee uu madaxweynaha wadanka ku sheegay in laga billaabo caawo aan la tagin Karin sido kalena laga soo safri Karin Kwale.
Mr. Mvurya ayaa xusay inay halis geli karto nolosha 500 oo kun oo qof.
Waxaa uu doonaya in qorsho loo sameeyo dadka danyarta ah oo uu ka cabsi qabo in amarka Dowladda uu ku yeesho saameyn ballaaran oo dhanka nolosha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here