CAJIIB:-Wax ka ogow lamaanaha ugu da’da weyn dunida

Sey iyo Xaaskiisa ku nool Texas, ayaa ah lamaanaha ugu da’da weyn dunida.

Isu-geynta da’dooda waa 211 sano, lamaanaha deggan Austin, Texas, waxaa loo aqoonsaday inay yihiin lamaanaha ugu duqsan caalamka, sida lagu qoray Buugga Guinness World Records.

John Henderson waa 106 sano jir, xaaskiisa, Charlotte, iyana waa 105 jir.

Bartamaha bisha December ee soo aaddan waxa ay u dabaaldegayaan sideetan sano guuradii ka soo wareegatay markii ay isguursadeen.

Labadooda waxa ay iska calmadeen jaamacadda Texas, sannadka marka uu ahaa 1934, Kolkaas Charlotte, waxa ay baraneysay macallinimo, John, ayaa waardiye u ahaa kooxda kubadda cagta ee jaamcadda.

Shan sano isbarashadooda kadib ayey aqal-galeen. Hotelka ay ku qaateen bisha malabka ama TODOBADA -(dhaqan Soomaaliga)- waxaa kaga baxday lacag $7 oo kaliya ah.

Labadaba wey caafimaad qabaan, John – na maalin walba ayuu jimicsi sameeyaa.

Haddaba, maxay tahay sirta cimrigooda raagay iyo guurkooda farxadda leh?

‘Nolol dhexdhexaad ah ku noolow oo si wanaagsan ula dhaqan lamaanahaaga’ ayuu yiri John.

TARJUME; Abubakar Maxamed Cali.

XIGASHO: CNN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here