Calanka Soomaaliya oo 66 Sano Jirsaday

Maanta oo ah 12ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 66aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la soo bandhigay naqshadda Calanka Soomaaliyeed la iskuna raacay maalintaan oo ah maalin ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed, waa maalintii la go’aamiyay nooca uu noqonayo calanka Soomaaliya, taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober Sanadkii 1954tii, waxaana naqshaddiisa hal abuuray Ilaahay ha u naxriistee halgamaa Soomaaliyeed Maxamed Cawaale Liibaan.
Markii uu hidisay naqshadda Calanka ee Buluuga Xidigta shanta Gees leh oo shanta Soomaali Tilmaamaysa wuxuu Marxuum Maxamed Cawaale Liibaan dood dheer la galay dad badan oo su’aalo ka weydiiyay astaamaha calanka, waxayna dooda ugu wayn ka imaaneysay dhanka Gumeystihii oo isagu markii hore diiday Calanka Buluugga ah.
Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.
Hada oo laga Joogo 66 Sano markii ugu horaysay ee la Hindisay Calanka Buluuga ah ee dhexda ku leh Xidigta shanta Gees leh dalka Soomaaliya waxaa ka jira dhowr Calamo oo kala duwan sidoo kale Waxaa dhibaato weyn ah inuusan Calanka Soomaaliya loo sameeyay midabo kala duwan oo aan ahayn kii saxda ahaa in badan oo ka mid ah da’yarta Soomaaliyeedna aysan ogayn midabka saxda ah ee Calankooda marka laga reebo inay og yihiin labada midi bee Calanku ka kooban yahay oo kala ah buluug iyo Cadaan.
Qaar badan oo ka mid ah Xafiisyada dowlada waxaa yaala Calamo aan lahayn midabkii saxda ahaa ee Calanka Qaranka sidoo kale waxaa jira Calamada uu Fedraalku keenay ee Astaamaha Maamul goboleedyada oo la oran karo ayagaaba qariyay Calankii Jamhuuriyada Sidoo kale 66 Sano kadib magaaooyin badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan gobolada Waqooyi maba laga ogola Calanka Soomaaliya oo waxaa ka jira mid kale oo ay Samaynteen bushada halkaas ku nool.
Dad badan ayaa aaminsan in Calanka Soomaaliya uu kali ah Shaqeeyo maalmaha Xoriyada halka Xiliyada kale Cidwalba la soo baxd astaanta Maamul goboleedkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here