Cali Bunow oo iska fogeeyay musuqmaasuq lagu eedeyay

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane oo maxkamadda Milimani la soo taagay isaga iyo afar eedeysanayaal oo kale ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo ah inuu fududeeyay lunsashada lacago uu ku deeqay bangiga adduunka.
Isaga iyo afar sarkaal oo kale ayaa loo haystaa wax isdaba marin la sheegay in lagu sameeyay lacag dhan 233.5 milyan oo shilin.
Axmadnaasir Cabdullahi oo ah qareenka guddoomiyaha Garissa u doodaya ayaa xusay inaysan jirin wax isdabamarin lacageed sida ay sheegeen hay’adaha dambi baarista.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dacwadaha uu wajahaya Cali Bunow iyo kuwii horay loogu soo oogay qaar ka mid ah barasaabyada ismaamullada aynan isku mid ahayn.
Axmadnaasir Cabdullahi ayaa maxkamadda u sheegay inaysan jirin caddeyn muujinaysa in qoyska Cali Bunow ay ka faa’iideen musuqmaasuqa loo haysto.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaan qofka dambi looga dhigi Karin hoggaan xumo dhankaaga ka timid ayaa wax lagu dhacay.
Saraakiisha dacwad soo oogidda ayaa dhankooda dalbaday in hadii barasaabka damiin lagu siidaynaya shuruudo adag lagu xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here