Cali Maxamed geedi oo ka digay Qatarta cudurka Corona

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in Cudurka Coronavirus uu kusii baahayo Gudaha Soomaaliya loona baahan yahay in laga digtoonaado ayadoo dhanka kale la qaadayo Talaabooyin cad-cad oo lagu xakamaynayo Faafitaanka Cudurka.
Waxaa uu sheegay Cali Maxamed Geedi in Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Xubnaha mucaaradkaba looga baahan yahay aysan siyaasadeyn khatarta Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay gudaha dalka Soomaaliya si loo mideeyo cududa mucaaradka,Muxaafidka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed loona wajaho dagaalka ka dhanka ah cudurkaan Halista badan.
Cali Maxamed Geedi Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu arkay dad siyaasadeynayay khatarta Cudurka kuwa sheegaya in bandowga dowladdu soo rogtay uu yahay sharci darro dhamaan arimahaasna ay u muuqdaan kuwo kala dhaltaalaya awooda cudurka lagula dagaali lahaa.
Ra’isulwasaare Geedi wuxuu sheegay in Talaabooyinkaan bandowgu ka mid yahay aysan ahayn kuw baahan in laga shiro oo Golaha Xeer dejinta la horgeeyo maadaama ay tahay arrin taagan ayuu yiri xalkeedana uu lagama maarmaan yahay.
Ugu dambeyn Ra’isulwasaarihii hore ee dowlada KMG Soomaaliya Cali Maxamed Geedi wuxuu Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda dhexaba ugu baaqay inay sida ugu wanaagsan u wajahan ka hortegida Cudurka Coronavirus oo Soomaaliya ku saameeyay in ka badan 500 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here