Cali Roba oo bayaan ka soo saaray Coronavirus

Barasaabka ismaamulka Mandera ahna guddoomiyaha dalladda xoola dhaqatada ee FCDC, Cali Ibraahim Roba ayaa maanta bayaan uu ka soo saaray cudurka COVID-19 waxaa uu ku sheegay inaan si buuxda qiimeyn loogu sameyn diyaar garowga dowlad deegaannada golahan xubnaha ka ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadda hannaanka caafimaad ee dalka uu u muuqdo mid tijaabo maraya.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka iyo guddiga uu madaxweyne Uhuru Kenyatta u magacaabay maareynta kiisaska cudurkan ayuu guddoomiyaha Mandera ugu baaqay inay la yimaadaan qaab lagu qiimeyn karo diyaar garowga ka jiro ismaamullada dalka.
Cali Roba ayaa sido kale xusay in si ismaamullada xoola dhaqatada ay ugu guulaystaan la tacaalidda arrimaha dalka ka jiro la doonayo inay taageero weyn ka helaan Dowladda dhexe.
Barasaabka Mandera ayaa sheegay in labada heer ee Dowladda ay lagama maarmaan tahay inay isla jaanqaadaan marka la eego istaraatiijiyadda ay adeegsanayaan.
Cali Ibraahim Roba ayaa shaaca ka qaaday in ismaamullada ay roobabka ku yaryihiin ee ay hoos tagaan deegaannada lagu tilmaamo oomanaha ay caawimaad buuxda uga baahan yihiin wasaaradaha caafimaadka iyo biyaha ee dalka.
Guddoomiyaha Mandera ayaa sido kale sheegay in laga sii habboon yahay shirarka lagu qabanayo Nairobi.
Waxaa uu sido kale soo jeediyay in tababaro la xiriira caabuqa Coronavirus loo qabto dhammaan howlwadeenada caafimaadka ee dalka sido kalena in qiimeyn laga sameeyay guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here