Cali Roba oo dalbaday in la soo saaro lacagaha Covid-19

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa wasaaradda caafimaadka ugu baaqay inay soo saarto lacago baarlamaanka uu u qoondeeyay isbitaalka weyn ee Mandera si loola tacaalo coronavirus.
Waxaa uu sheegay inay si weyn u xakameyeen faafitaanka fayraska corona ee gudaha dowlad deegaankaas.
Mr. Roba ayaa xusay inay baaritaano la xiriira cudurka Covid-19 ku sameyeen dad ay tiradoodu gaarayso 97,502 oo ku sugnaa meelaha laga soo galo ama looga baxo Mandera.
Cali Roba ayaa hoosta ka xarriiqay in 729 qof oo laga baaray cudurka, 18 ka mid ah laga helay.
Sido kale gudaha Mandera waxaa tan iyo bishii afaraad ee sannadkan lagu karantiilay 334 qof oo 176 ka mid ah ay yihiin dadka la macaamilay shakhsiyaadka uu xanuunka soo ritay iyo 158 halkaas safar ku tagay.
Barasaabka Mandera oo dowladda dhexe ugu baaqay inay soo saarto lacagaha loogu tala galay la tacaalidda coronavirus ayaa xusay in 17 ka mid ah 18-ka qof ee cudurka laga helay ay bogsadeen oo isbitaallada laga saaray.
Mr. Roba ayaa intaa ku daray in bulshada laga doonayo inaynan isdhigan oo ay sii waddo feejignaanta.
Sido kale waxaa uu bulshada ugu baaqay inay si buuxda u raaco amarrada dowladda iyo talooyinka wasaaradda caafimaadka sida kala fogaanshaha , isticmaalka afxirka iyo gacma dhaqashada.
Cali Roba ayaa sheegay inay diyaariyeen ilaa 190 ah sariirrada gaarka u ah covid-19.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo barasaabyada loo qabtay ilaa 7-da bisha Toddobaad ee sannadkan inay xaqiijiyaan inay jiraan ugu yaraan 300 oo sarriiro ah .
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayuu ugu baaqay inay sare u qaado awooda dhanka baaritaannada ee Mandera maadaama ay ka fogtahay caasimadda dalka ee Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here