Cali Roba oo diiday in la xiro adeegyada ismaamulka Mandera

Gudoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Roba ayaa gaashaanka u daruuray go’aankii shaley ka soo baxay golaha barasabyaasha ee CoG kaas oo lagu sheegay in albaabada laisugu dhufto adeegyada dawlad deegaanada.
Mr. Roba ayaa xusay in ismaamulka uu hoggaamiyo uu joojin doonin adeegyada aan aasasiga ahyn ila laga gaaro xilli ay lagama maarmaan noqoto in sidaasi la sameeyo.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale diiday codsi ka yimid Golaha barasabyada ee CoG oo ku aadanaa in ismaamulada aysan wax ku xayeysiisan shirkada Nation Media Group (NMG) isagoo sheegay inay sidaasi sameynayaan.
Maalin uun ka dib markii Golaha Badhasaabyadu ay ku heshiiyeen in qayb ahaan la xidho ismaamulada iyadoo laga mudaaharaadayo dib udhaca lacagaha loogu tala galay kauntiyada dalka, Mr Roba ayaa sheegay in maamulkiisu uusan xiri doonin wax adeeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here