Cali Roba oo ka dayrinaya xaaladda Mandera

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa qoraal uu dhawaan soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka waxaa uu ku sheegay in xaaladda Mandera ay maalinba maalinka ka sii dambeeya hoos u sii dhacaysa.
Waxaa uu qoraalka ku xusay inay sii kordhayaan ciidamada dowlad goboleedka soomaaliyeed ee Jubbaland ee ku sugan gudaha magaalada Mandera .
Cali Roba ayaa hoosta ka xarriiqay in saraakiisha dowladda federaalka soomaaliya ay sido kale ku soo badanayaan degmada Beledxaawo oo Mandera daris la ah.
Barasaabka ismaamulkaas ayaa dowladda dhexe u sheegay in laga doonayo inay tallaabo degdeg ah qaaddo si xaaladda ay u xakameyso loogana hor tago khasaare nafeed oo dheeraad ah.
Qoraalka Roba oo uu weheliyo muqaal ayaa muujinaya baabuur ay leeyihiin ciidamada Jubbaland oo maraya wadada Bulla Jamhuria Road taasoo uu ku tilmaamay mid halis galinaysa nolosha shacabka Mandera.
Shalay ayay ahayd markii bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalka lagu sheegay in Soomaaliya ay soo faragelinayso dhulka Kenya taasina aan loo dulqaadan doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here