Cali Roba oo ku baaqay in xarun lagu baaro Covid19 laga sameeyo Mandera

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa Dowladda ka codsaday in xarun lagu baari karo cudurka Covid19 ee Coronavirus ka hirgeliso dowlad deegaankaas.
Qoraal uu dhawaan soo saaray ayuu ku xusay in marka la eego masaafada ay isku jiraan Nairobi iyo Mandera la doonayo in tani si degdeg ah loo tixgeliyo.
Magaalooyinka Nairobi iyo Mandera ayaa waxaa u dhaxeeya in ka badan 1000 kiilomitir.
Waxaa uu soo jeediyay in machadka saameeya cilmi barista dhanka caafimaadka ee KEMRI uu xarun ku lahaado Mandera.
Barasaabka ayaa sheegay in iyadoo laga faaiidaysanaya dhismooyinka jira , hadii xarun la sameeyo ay fududaan doonto in si dhaqsa ah loo ogaado sido kalena loola tacaalo kiisaska soo kordho ee cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here