Cali Roba oo qoraal ka soo saaray xaaladda laba qof oo dhawaan cudurka Covid-19 laga helay

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa qoraal uu saacado ka hor soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka waxaa uu ku sheegay inay soo hagaagayso xaaladda caafimaad ee laba qof oo dhawaan halkaas looga helay cudurka Covid-19.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in bukaanka ay weli ku jiraan qeyb gaar ah.
Sido kale guddoomiyaha ayaa sheegay inaynan hadda noloshoodu khatar ku jirin.
Mr. Roba ayaa xusay inuu rajeynayo inay dhawaan bogsadaan in kastoo baaritaan kale lagu sameyn doono ka hor inta aan isbitaalka laga saarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here