Canada oo qorsheynaysa inay muwaadiniinteeda ka soo saarto Shiinaha

Dowladda Canada ayaa sheegtay inuu jiro qorsho muwaadiniinteeda ku sugan magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha halkaas looga soo daadgureynaya.
Dadka ayaa la soo marinayaa magaalada Hanoi ee wadanka Vietnam.
Canada waxay intaas ku dartay in dhammaan rakaab baaritaano caafimaad lagu sameyn doono ka hor inta aynan diyaaradda soo raacin.
Waxaa sido kale si dhow loola soconaya xaaladooda ilaa iyo laga imaanaya gobolka Ontario halkaas oo 14 maalmood ay ku sugnaan doonaan.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Canada Patty Hajdu ayaa sheegay in dowladda, saraakiisha caafimaadka iyo saaxiibbada caalamiga ay si dhow u wada shaqeynayeen si loo xaqiijiyo in muwaadiniinta ku nool Wuhan iyagoo badqabo dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here