Canshuurta maaskarada laga keeno dalka dibadiisa oo meesha laga saaray

Waxaa la filayaa inuu hoos u dhaco qiimaha shacabka looga iibiyo maaskarada ama afduubka sanka lagu xirto.
Arrintan ayaa timid kaddib markii shalay mudanayaasha baarlamaanka ay meesha ka saareen canshuurta laga qaado ganacsatada adeeggan ka keeno dalka dibadiisa.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in qof kasta oo ku sugan goob dadweyne sida waddooyinka, suuqyada , gaadiidka dadweynaha iyo meelaha laga dukaameysto uu xirto maaskaro.
Qofkii aan amarkan u hoggaansamin waxaa lagu ganaaxaya lacag dhan 20 kun oo shilin ama waxaa la xiraya muddo 6 bilood ah haddii kale labaduba waa la isugu darayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here