Caqabadda caalamka haysata oo lagu sheegay shaqo la’aan

Darasaad ay sameysay daladda dhaqaalaha ee adduunka ayaa lagu ogaaday in caqabadda ugu weyn ee caalamka ka jirta ay tahay shaqo la’aanta.
Dhibaatooyinka kale ee xal loo raadinaya waxaa ka mid ah cudurrada faafo , xasilooni darrada bulshooyinka ka dhex jirta iyo weerarrada dhanka intarneetka.
Dalka Spain ayaa ka mid ah wadamada uu dhaqaalahoodu kobcay balse ay ka jirta shaqo la’aanta ugu badan.
Caqabadda walaaca laga muujinayo oo la saadaalinaya inay sii jirto tobanka sano ee nagu soo aaddan ayaa waxaa sare u sii qaaday cudurka COVID19 oo dad badan ay shaqooyinkoodii ku waayeen.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here