Caqabadda dhanka waxbarashada ee waqooyi bari oo baarlamaanka loo gudbiyay

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka galbeedka Wajeer Axmed Qoloosh ayaa markii ugu horreeysay baarlamaanka u bandhigay arrinta la xiriirta macallin la’aanta ka jirta gobolka waqooyi Bari.
Waxaa uu guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin Muturi u sheegay inuu dalbanayo in wasaaradda waxbarashada ay faafaahin wax ku ool ah ka bixiso dhibaatada haysata ardayda ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Mr. Qolosh oo soo xiganaya dastuurka u dajisan dalka ayaa sheegay in qodobka 53-aad farqadiisa koobad uu dhigayo in cunug kasta oo Kenyaan ahi uu xaq u leeyahay inuu helo waxbarashada aasaasiga ah taas oo lagu barayo si bilaash ah.
Waxaa uu intaasi raaciyay in qodobka 55-aad ee dastuurka uu sido kale dhigayo in dowladda ay tahay inay qaaddo tallaabooyin lagu xaqiijinayo in ardayda ay helaan waxbarasho iyo tababaro barayaasha loo sameynaya.
Mudanaha ayaa ku eedeeyay guddiga adeega macallimiinta ee TSC inuu ku guul dareeystay inuu guto waajibaadkii loo igmadhay iyo in uu ku xad gudbay xuquuqdii ardeyda gobolka Waqooyi Bari ee ahayd inay wax bartaan.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in arrintani ay sababtay in uu hoos u dhaco heerka waxbarasho ee gobolka iyo inay wiiqday tallaabadii dowladda ay ku dooneysay in arday kasta oo dhameeya dugsiga hoose dhexe uu ku biiro fasalka koobaad ee dugsiga sare.
Axmed Qolosh ayaa xusay in tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan guddiga adeega macallimiinta ee TSC uu gobolka Waqooyi Bari kasoo qaaday barayaal ka badan 3,000 kuwaas oo aan u dhalan deeganadaasi.
Waxaa uu afar su’aalood hor dhigay waaxyada ay quseeyso arrimahani kuwaasoo uu doonaya in laga soo jawaabo.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa dhankiisa amar ku bixiyay in ugu dambeyn maalinka Tallaadada ah ay guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha tacliinta hor yimaadaan mas’uuliyiinta kala ah wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha, abaandulaha booliska Hillary Mutyambai iyo madaxa fulinta ee guddiga TSC Nancy Macharia.
Mas’uuliyiintan ayaa laga doonaya inay ka jawaaban sababaha looga soo saaray macallimiinta ismaamulada Garissa, Wajeer iyo Mandhera .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here