Carrur ku nool Garissa oo qaba cudurka macanka oo ka faa’iideysanaya barnaamij caafimaad

In ka badan 400 oo carruur ah oo ku nool ismaamulka Garissa kuwaas oo qaba cudurka macaanka ayaa ka faa’iideystay barnaamijka hay’adda safaricom u qaabilsan caawinta bulshada ee Safaricom Foundation.
Barnaamijkaan lagu caawinayo carruurta ayaa la bilaabay bishii Maarso ee sanadkii hore.
ilaa 2000 oo carruur ah oo baaritaan lagu sameeyay ayaa lagu arkay xanuuno kala duwan 429 ka mid ahna waxaa ay heleen daawooyiin bilaash ah.
300 oo carruur ku nool ismaamulka Garissa ayaa la xanuunsan cudurka macaanka .
80 shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo 60 shaqaalaha caafimaadka bulshada ah ayaa loo tababaraya la tacaalidda xanuunka macaanka si ay u caawiyaan ismaamulada xoola dhaqatada ah oo ay ku jirto dowlad deegaanka Garissa.
Isbitaalka Garissa ayaa laga furay xarun u wanaagsan carruurta uu soo ritay macaanka balse xaruntan ayaa ahayn kaliya inay u adeegto dadka deggen Garissa waxaa sidoo kale daryeel caafimaad ka heli kara bulshooyiinka Garissa dariska la ah sida Kitui, Wajeer, Tana River iyo Isiolo.
Barnaamijka Safaricom Foundation wuxuu bartilmaameedsanaya carruurta iyo dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 21 sano.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta caalamka laga xusay maalinta cudurka macaanka ama sankarowga.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku qiyaastay in 26% dadka ku jira isbitaalada dalka Kenya ay ka kooban yihiin bukaanno qaba cudurka macaanka halka 50% bukaanada xanuunka kilyaha qaba .
Qiyaastii 478,000 oo reer Kenya ah ayaa la nool cudurka macaanka 60% halka la qiyaasay in tirada carruurta la nool cudurka macaanka ay kordheen 3.5% sanadkiiba.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here